Tuesday, May 19, 2026
HomeWararKhudbad Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha M/Putland oo Lasoo Gaban Gabeeyay

Khudbad Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha M/Putland oo Lasoo Gaban Gabeeyay

Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay dhageysiga Khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha Maamulka Puntland ka hor jeedinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

20-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay Xildhibaanada Puntland.

Waxaana Guddoonka Baarlamaanka Puntland uu sheegay in qadar saacado oo Salaad iyo Qado isugu jirta ka dib, la isugu soo laabanayo dhageysiga khudbada musharaxiinta madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland oo u taagan ilaa iyo siddeed musharax.

Qaban qaabo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe,taasi oo la filayo in ay dhacdo maalinta beri ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe