Waxaa saacadihii ugu dambeeyay sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen iyo villa soomaaliya waxaana laga dareemay garoonka diyaaradaha magaalada jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Dhorkii maalin ee dhala soo dhaafay dareen siyaasadeed ka muujinayay siyaasinyiin oo uu arko in ay saameyn ku leeyihiin mustaqbalkiisa siyaasadeed sida ilo lagu kalsoonyahay xaqiijiyeen .
villa soomaaliya ayuu la wadaagay dareenka siyaasadeed uu qabo gaar ahaan labo ka mid ah siyaasiyiinta oo ka soo jeeda gobolka shabeelaha dhexe oo dhowkii bilood ee la soo dhaafay Abaabul ciidaan ka sameeyay qeybo ka mid ah maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka shabeelaha dhexe.
Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen oo kulan la qaatay madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa ku adkeeyay in laga soo saaro siyaasinta iyo ciidanka loona madaxbaneeyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Hirshabeelle.
Xasan sheik maxamuud ayaa la wadaagay Cali Guudlaawe Xuseen in siyaasiyinta iyo abaabulka ciidan uu ka war haayo u jeedana ay tahay in Al-Shabaab laga saaro deeganada Hirshabeelle maadaama gobolka ay ka socdaan Abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.
Sidoo kale Xasan sheikh ayaa u sheegay Cali Guudlaawe in asiga u diray shaqadaas ay na tahay mid layaqaano oo ah Abaabulka ciidanka deegaanka sidii ay uwada shaqeyn la haayeen ciidamada dowlada si hal meel loogu soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab balse aysan jirin ujedeedo kale laga leeyahay maamulka uu madaxweynaha ka yahay.
Cali Guudlaawe xuseen ayaa la tilmaamay in uusan ku qancin hadalka madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh waxaa uu u shegay in siyaasiyiinta saameynta ku leh gobolka shabeeleha dhexe Abaabulka ay sameeyeen dib lagu soo celiyo muqdisho ciidamadana meesha laga soo saaro waxaana kulankaas uu ku soo dhamaaday natiijo la,aan.
Waxaa jira dareen siyaasadeed oo ka dhashay Abaabulka ciidan ee ka socdo gobolka shabeelaha dhexe taas oo dadka qaar u arkaan in ay saameyn ku yeelatay Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen.
Dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay sameeysay dowlada soomaaliya ayaan farxad gelin Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen oo hada arko in ay soo af jareyso mustaqbalkiisa siyaasadeed.

