Monday, May 25, 2026
HomeWararDibaddaKhilaafka saraakiisha hoggaanka howlgalada oo saameeyay dagaalka AS.

Khilaafka saraakiisha hoggaanka howlgalada oo saameeyay dagaalka AS.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa isaga soo baxay deegaano dhawar ah oo ay ka qabsadeen kooxda As ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka socdaan howlgalo.

Sababaha dib ugu soo gurashada deegaanada qaar ayaa la sheegay in ay salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ka socda  gobolka Galgaduud .

Sida xogaha ay sheegeen qaabka hoggaanta howlgalada ayaa ah waxa ugu badan ee keenay in sidii loo baahnaa ay u dhacaan howlgalada isla markaana ay kordhaan weeraro ay fulinayeen kooxda As.

Shakiga  ugu badan ayaa ka dhashay weerarkii Cawswayne halkaas oo ay ku dhinteen ciidan aad u fara badan , waxaana la sheegay in howlgalkaas uu ku dhacay qalad ka yimid dhanka hoggaanka ciidanka.

Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan dalbaday in la sameeyo baaritaan madax banaan maadama uu shaki badan uu ka qabo sida loo maareeyay ciidanka ka qayb qaadanayay howlgalka.

Howlgaladan  ka socda gobolka galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in xiligan ay ka taagan tahay Isfahan darro ku aadan habka loo maareynayo iyo cida hoggaanaysa.

Xildhibaan Yaasiin Yaasiin  Faray oo hore u soo noqday Taliyaha  Nabad sugidda NISA ayaa isagana meesha ka saaray jiritaanka khilaafka saraakiisha  hoggaaminaysa  howlgalada waxyar uun ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in cawswayne ay ku baa’abeen ciidamo ka tirsan Dowladda.

Lama oga talaabada xigta ee Dowladda ay qaadi doonto maadama ay soo shaac baxeen khilaafka saamaynta ku yeeshay howlgalada ee ka socda gobolka  galgaduud.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu baahiyay warar sheegayay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka isaga baxeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Xildhibaan Yaasiin Farey oo wareysi bixiyay ayaa beeniyay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay isaga baxeen degmada Ceeldheer waxa uuna sheegay xildhibaanka in degmada wali joogaan ciidanka warka la sheegayna uu been yahay.

Waxa uu sheegay xildhibaan Yaasiin Farey in isaga naftiisa uu hadda joogo qeybo kamid ah degmada Ceeldheer, waxa uuna cadeeyay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka aysan meelna uga socon Ceeldheer.

Dhanka kale, Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Cowsweyne ayaa maalintii Sabtida la kulmay weerar xooggan oo kaga yimid Al Shabaab, waxaana ciidanka oo weerarka kasoo gaaray khasaaro badan isaga baxeen Cowsweyne.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli lasoo sheegayo in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga baxeen deegaanno dhowr ah ay dhawwaan qabsadeen, kaddib weerarkii As ka geesteen deegaanka Cowsweyne.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe