Ilo sirdoon ayaa la wadaagay codka gobolada dhexe in maleeshiyada argaggixisada ah ee Khawaarijtu ay isku aruursanayaan deegaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug, iyagoo qorshaynaya weerarroarbushaad ah oo lagu qaado fariisimaha ciidamada ee aagga Shabeelow, Xarardheere ama degmada Camaara.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay fariisimo ay todobaadki hore baneeyeen ay dib ugu soo celiyeen xagjiriin badan oo u dagaalama iyo gaadiid dagaal, waxaana abaabulka nuucan ah uu muujinayaa inay damacsanyihiin inay weerar xilli aroor ah ku qaadaan fariisin ciidan.
Dhinaca kale diyaaradaha sahanka ee Soomaaliya ayaa soo sheegay xogta la xiriirta inay maleeshiyadu isku aruursanayso deegaano ka mid ah koofurta Mudug, islamarkaana ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay weerar fuliyaan.
Xogaha sirdoon ee dowladdu ay ka dhex hesho maleeshiyada ayaa fashil wayn ku keenay falalkii argagixiso ee maleeshiyadu la damacsaneed deegaano badan, waxaana dhinaca kale Khawaarijta haysta cabsi wayn oo ay ka qabaan in la duqeeyo hadii ay meel isugu keenaan maleeshiyada u dagaalanta

