Home Warar Kenya oo wali baadi goobaysa maydka sarkaal ay Afduubteen Al Shabaab!

Kenya oo wali baadi goobaysa maydka sarkaal ay Afduubteen Al Shabaab!

314

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa afduubtay oo madaxa ka jartay madaxda tuulooyin fara badan oo ku yaal waqooyi bari Kenya oo u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, sida laga soo xigtay laamaha amaanka Kenya iyo warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab.

Cumar Aadan Buul, oo ahaa madaxa deegaanka Gumarey ee degmada Wajeer, waxaa afduubay jimcihii Al Shabaab oo weerartay aagga iyaga oo “khudbad u jeediyay dadka deegaanka”, sida ay qortay warbaahinta Kenya.

“Waa run in gudoomiyihii la waayey asbuucii hore laakiin waxaa la helay isagoo meyd ah. Madixiisa waxaa lagu tuuray wadada laakiin jirka intiisa kale lama helin wali” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska deegaanka oo diiday in magaciisa la xuso.

Sarkaal kale oo booliis ah ayaa yiri “waxaan soo helnay madixiisa mahayno qaybaha kale ee jirkiisa”.

“Tani waa shaqadii Al-Shabaab … waxaan raadineynaa jirka intiisa kale ama qeybaha, waxaan rajeyneynaa in aan loo gudbin dhinaca kale,” ayuu raaciyay isagoo ka hadlaya xadka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda “dilka” sida ay ku warantay warbaahinta ku hadasha Afka xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay madaxii maxaabiista intii uu socday weerar ay kula wareegeen gacan ku heynta saldhig ay leeyihiin booliska Kenya, sheegashadaas oo aysan wali ka hadlin dowladda Kenya.

Al Shabaab oo inta badan weeraro ka gaysta Soomaaliya ayaa hada weeraro isdaba joog ah ka gaystay goboladda xeebta ah ee dalka Kenya.

Sanadkii 2011, Al Shabaab waxaa ka saaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho ciidamada dowladda oo ay taageerayaan 20,000 oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Laakiin wali waxa ay maamushaa dhulal badan oo ka baxsan magaalooyinka waawayn, halkaas oo ay ka qaadaan weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada dowladda, ciidanka AMISOM iyo sidoo kale mararka qaar in ay ka gudbaan xadka si ay weeraro uga fuliyaan wadamada dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Uganda.

Al-Shabaab ayaa kordhisay xoojinta weerarada ay ka geysato Kenya sanadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dhowr weerar oo waaweyn illaa iyo caasimada Nairobi, oo ay ku dhinteen ku dhowaad 300.