Saturday, August 15, 2026
HomeWararDibaddaKenya oo Safirro u fadhinaya magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa magacawday

Kenya oo Safirro u fadhinaya magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa magacawday

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa xalay magacaabay denjirayaal dhowr ah oo wakiillo uga noqon doona dalkiisa qaar kamid ah waddamada caalamka, waxa uuna bedelay denjirayaal horey u magacawday dowladii ka horeesay.

Safiirrada madaxweyne Ruto magacaabay waxaa ku jira safiirka cusub ee u fadhin doona magaalada Muqdisho Kiringo Kubai,safiirkan cusub ayaana ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Kenya oo laga soo doortay  Ismaamulka Meru.

Warqadda magacaabista safiirrada ayaa nambarka 14-aad waxaa ku qoran danjire Kiringo Kubai, halka isla warqadda  nambarka 16-aad kaga jiro Cabdi Wali Maxamed oo isna loo magacaabay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Ruto ma cadeyn in Cabdi Wali Maxamed uu u magacaabay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland uu yahay danjire rasmi ah ama uu yahay qunsur Kenya u fadhin doona magaaladaasi.

Danjiraha cusub ee dowladda Kenya u fadhin doona magaalada Muqdisho Xildhibaan Danjire Kiringo Kubai ayaa badalaya, denjire  Thomas Chepkuto oo madaxweynihii hore ee Kenya horey ugusoo magacaabay Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe