Friday, September 20, 2024
HomeWararKenya Oo Digniin Kasoo Saartay Weeraro Qorsheysan Oo Laga Cabsi Qabo

Kenya Oo Digniin Kasoo Saartay Weeraro Qorsheysan Oo Laga Cabsi Qabo

Dagaalyahano la rumeysan  inay ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ka gudbeen xuduudka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana gudaha u galay dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in rag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, kuwaasi oo ay sheegeen inay doonayaan in weeraro kala duwan ay geystaan.

Booliska ayaa tilmaamay in xubno lagu qiyaasay 40-nin ay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya, iyagoo xusay inay weeraro qorsheysan ka geysan karaan deegaanada Amuma iyo Hemey oo ka tirsan Gobolka Gaarisa.

Shacabka ayey Booliska u direen digniin ku aadan weerarada, isla markaana ka dalbaday inay feejignaan muujinaayan, sidoo kalena la shaqeeyaan laamaha amniga Kenya, ayna kusoo wargeliyaan markii ay dareeman khatar amni.

Al-shabaab ayaa horey weeraro kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga fulisay gudaha Kenya, waxaana xusid mudan in sidoo kale weeraro lagu qaaday gaadiid ku safrayay Gobolo ku yaalla gudaha dalkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe