Saturday, May 30, 2026
HomeWararJUXA oo shaaciyey afar caqabad oo Deni sugaya kadib ku laabashadiisa Puntland

JUXA oo shaaciyey afar caqabad oo Deni sugaya kadib ku laabashadiisa Puntland

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas kadib markii uu kaalinta seddexaad ka galay doorashadii xilka madaxweynimo ee ka dhacday Muqdisho.

Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaddib markii Deni oo ku sugan Muqdisho uu sameeyay magcaabis xubno xilal loo dhiibay, arrintaasi oo uu ka biyo-diiday Axmed Karaash oo isaguna soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas gaashaanka ugu daruuray.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wasiir ka soo noqday Puntland iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la hadlay idaacadda BBC ayaaa sheegay in madaxweynaha Puntland ay hor yaalaan caqabado badan oo xalkeeda laga rabo.

“Waxaa hor yaalla Madaxweynaha xukuumaddiisa iyo baarlamaanku in ay dib u soo laabtaan. Waxaa hor yaalla khilaafka soo shaac baxay ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Karaash in la xaliyo; khilaafkaas oo runtii dibadda u soo baxay, waraaqo la iska soo daba saaray, dadkuna aanay jecleysan, shaqo-maalmeedkii dowladdana curyaamiyay. Arrintaasi waxay u baahan tahay in la xalliyo, shaqadii dowladanna la dardargeliyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale, caqabadaha kale ee horyaalla Deni ayaa waxaa kamid ah xalinta kala-irdhowgii ka dhashay doorashadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland.

Waxaa sidoo kale jirta tabasho ay qabaan dadkii xubnaha lahaa qaarkood iyo weliba qaar ka tirsan isimada Puntland oo sheegay in dowladdu ay gacan-togaaleysay xubnihii ay saxiixi jireen.

Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha Juxa wuxuu qabaa in ay taas tahay howl dadaal dheeri ah uga baahan Madaxweyne Deni sidii uu isugu soo dumi lahaa dadka ku kala indhoobay doorashada darteed.

“Khilaaf weyn iyo kala fogaansho ayaa doorashadaas ka dhashay. Khilaafkaasi markii dambe Xamar ayuu la aaday. Waxaa muuqaneysay ardaa kasta oo olole-doorasho uu ka socdo in lagu arkaayay dad reer Puntland ah oo iska soo horjeeda, kuwaas oo halkaa ku kala qaybsamay,” ayuu yiri Juxa.

Puntland oo dhisan 24 sano waxaa la isku soo dooranayay nidaamka hab-beeleedka, Juxa wuxuu aamisan yahay in aan mar kale wejiga la siin karin jidkii rubuc qarniga la hayay.

Previous article
Next article
Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay Urururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka. Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose oo ugu dambeyntii uu iska soo dhiibay. Gaashaanle Nuuradiin Xuseen Macalin oo ah taliyaha ururka 83-aad, guutada 14October iyo L/xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo ah taliyaha ururka 84-aad ee isla guutada 14-ka October oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa Cusmaan Hiraab si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Janaale. Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad iyo kuwa Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaannada dhaca dhinaca Galbeed ee Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose. Degaannada ay Ciidamada howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa ay kala yihiin, Shabac ,Gaawo Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon, halkaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen. Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday ay Ciidanka ay u suurto gashay in gacanta ku dhigaan Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsana Degaannada howlgalka laga sameeyay, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada uu yahay (Sakhraawi) , isla markaana ay dileen Afar Xubnood oo ahaa ilaalada Sarkaalka, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed Dhageey.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe