Thursday, April 30, 2026
HomeWararJubbaland oo sheegtay inay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka Shirka Muqdisho

Jubbaland oo sheegtay inay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka Shirka Muqdisho

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubb aland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo.
Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Jubbaland ay muhiim tahay inay shirkaasi ka qeyb-gasho, hayeeshee haatan aysan muuqan wadadii ay uga qyeb-geli laheyd.

Waxaa uu si cad u sheegay in ay qiimeyn doonaan xaalada Magalada muqdisho oo saacadihii la oo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa taageersan Midowga Musharixiinta.
Warkan kasoo yeeray Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu dib u dhacay shirka wadatashiga doorashooyinka, kaas oo qorshuhu ahaa in uu Muqdisho ka furmo 18-kii B ishaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe