Sunday, April 19, 2026
HomeWararJubbaland oo ka shirtay ka hortagga cudurka Karoonaha

Jubbaland oo ka shirtay ka hortagga cudurka Karoonaha

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbalad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlyay ka hortaga faafida xanuunka Covid-19, Shirkaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ka  soo qeyb galay laamaha Amniga Jubbaland, qaybo ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland iyo sido kale hay’adaha samafalka ee ka howl gala deegaanada Jubbaland.

Ujeedada shirkaan ayaa ahaa sida bulshada looga waci galin karo xanunkan safmarka ah ee Covid-19 oo xiligaan ay u dhimanayaan dad badan oo Soomaaliyeed iyo sida ay dowladdu uga shaqayn lahayd yareynta khatarta xanuunkan.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka Covid-19.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe