Thursday, June 11, 2026
HomeWararGudahaJubbaland oo eedeyn culus u jeedisay Dowladda Federaalka kuna saabsan qalab kalluumeysi...

Jubbaland oo eedeyn culus u jeedisay Dowladda Federaalka kuna saabsan qalab kalluumeysi oo la sheegay in la leexsaday

Jubbaland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si sharci-darro ah ula wareegtay ama u leexsatay shixnad qalab kalluumeysi ah oo sida la sheegay loogu talagalay in lagu qaybiyo dowlad-goboleedyada dalka.

Wasiirka Kalluumeysiga ee Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qalabkaasi aan weli gaarin meelihii loo qorsheeyay, isaga oo ku tilmaamay arrintaas mid ka hor imaanaysa heshiisyadii hore ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wuxuu sheegay in Jubbaland ay horey uga cabatay habka loo maareeyo gaadiid iyo qalab kala duwan oo mashruucyo caalami ah lagu maalgeliyay, kuwaas oo uu sheegay in aan si caddaalad ah loo gaarsiin gobollada dalka.

“Waxaan xafiiska ku qabanaynaa shir jaraa’id… waxaan rabnaa inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagno xadgudubka iyo tacadiyada lagu hayo qalabkii loogu talagalay kalluumeysatada,” ayuu yiri wasiirku, isagoo ka hadlayay xaaladda uu ku tilmaamay mid soo noqnoqotay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Jubbaland ay horey cabasho uga gudbisay arrintan, isla markaana ay la wadaagtay hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, isagoo ku eedeeyay in mashruucyo horumarineed oo muhiim ah lagu takrifalay.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in lacag lagu bixiyay gaadiid iyo qalab loogu talagalay kalluumeysatada, balse aysan si dhab ah u gaarin meelihii loogu talagalay, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro iyo hanti qaran oo lagu takrifalay.”

Dhanka kale, Jubbaland ayaa ugu baaqday Bangiga Adduunka inuu si degdeg ah uga jawaabo cabashada, isla markaana uu caddeeyo sida loo maareeyay mashruucyada lagu maalgeliyay horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan warar sheegaya in qalabkan la xiriira ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladda federaalka, inkastoo uusan soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo arrintaas taageeraya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymahan, kuwaas oo kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Muqdisho iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan arrimaha maamulka khayraadka iyo fulinta mashaariicda caalamiga ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe