War kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland ayaa looga dalbaday Madaxweynaha uu waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu raaligalin ka bixiyo weerarkii lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen labo Madaxweyne oo hore.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale dalbatay in la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed in goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka.


