Moussa Faki Mahamat Guddoomiyaha Midoowga Afrika , ayaa Madaxweynihi hore ee Ghana John Dramani Mahama, u magacabay in uu nooqdo ergayga u qaabilsan arrimaha doorashadda iyo siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweyne Mahama ayaa la shaqeyn doono dhamaan saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka si siyaasiinta ay tanaasul u sameyaan islamarkaana xal looga gaaro waxyaabaha la isku hayo, doorashadana lagu qabto muddada ugu yar ee ugu macquulsan.
Si howlihiisa uu u guto ayaa waxaa la sheegay in uu taagero ka heli doono ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya ee Amisom kuwaas oo xaqijiin doono in dedaallada wadaxaajodka iyo qorshaha geeddi socodka nabadda ay isla jan qaadaan.
Guddoomiyaha Midoowga Afrika Moussa Faki Mahamat,ayaa ugu baaqay siyaasiinta soomaaliyed in si daacad ah ay u wadaxaajodaan, ayna danaha soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed ay ka hor mariyaan wax walbo si xal loo wada dhanyahay looga gaaro khilaaflka doorashada.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

