Wednesday, April 29, 2026
HomeWararJigjiga : Salaad Roob doon ah oo maanta Jigjiga laga tukaday

Jigjiga : Salaad Roob doon ah oo maanta Jigjiga laga tukaday

Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga.

Maamulka u sareeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga dulqaado dadka iyo duunyada, isla markaana Ilaahay u keeno roob khayr qaba.

Salaaddan roob doonta ayay dadku tukanayaan iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhammaan degaanka laga soomanaa, maantana ay dadku banaankan isugu soo baxeen si Alle u baryaan, abaartana ugu badalo roob lagu qabowsado.

Guud ahaan degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirtay abaaro iyo roob yari, iyadoo meelo aad u yar maalmihii u dambaysay laga soo sheegayay roob aan sidaa u badnayn.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe