Saturday, March 22, 2025
HomeWararJapan oo waqtiga u kordhisay ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka...

Japan oo waqtiga u kordhisay ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida

Dowladda Japan ayaa go’aansatay inay sanad dheeraad ah ku kordhiso howlgalka la dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya ee ay ka wadaan Xeebaha Soomaaliya.

Japan ayaa geysay diyaaradaha wax burburiya iyo kuwa ilaalada maraakiibta ganacsiga tan iyo sanadkii 2009.

Go’aanka lagu kordhiyay howlgalka ayaa ka yimid shirkii Golaha Wasiirada ee Talaadadii lasoo dhaafay.

Dawladdu waxay kaloo go’aansatay inay kordhiso tirada shaqaalaha ka qeyb galaya howlgalka xoojinta wixii saameyn ah ee ka imaan kara faafidda cudurka coronavirus.

Dowladda ayaa sidoo kale go’aansatay inay sanad dheeraad ah u kordhiso ka qeybgalka howlgalka nabad ilaalinta caalamiga ah ee jaziirada Sinai ee Masar. Howlgalka GSDF ayaa lagu waday inuu dhacayo dhamaadka bishan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe