Dowladda Jabuuti ayaa taageertay in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka ee hadda loo baxshay ATMIS.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyey Telfeshinka laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo TRT World, ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo wixii ka dhacay Afgaanistaan in Soomaaliya ay ka dhacaan haddii ay Ciidamadaan ka baxaan.
Ismaaciil Cumar Geelle oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri, “Haddii iyada oo aan diyaar-garow jirin ay ATMIS ka baxdo Soomaaliya, waxa aan arkaynaa wixii Afgaanistaan ka dhacay; markii Mareykanku isaga baxay.”
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, “waxa dhimanaya rejadii dadka oo dhan.”
Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay Qaramada Midoobay ka codsatay in dib loo dhigo ka bixista Ciimada ATMIS ee Soomaaliya, kuwaas oo la filayo in dhammaadka sanadka dambe ay dalka ka baxaan.

