Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaasoo galabta u dhoofay dalka Jabuuti.
Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ay kulan la yeelan doonaan Madaxda ugu sarysa dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed.