Saturday, April 11, 2026
HomeWararIsfaham horudhac ah oo lagu gaaray Shirka Afisiyooni

Isfaham horudhac ah oo lagu gaaray Shirka Afisiyooni

Weli waxaa Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka socda Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in isafaham horudhac ah lagu gaaray.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in la isku raacay in shirka soo socda la ballaariyo oo furitaanka ka qeyb galaan Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaarihii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay ka doodayaan Ajandaha Shirka soo socda, iyada la filayo in heshiis laga gaaro.

Wakiilada Beesha Caalamka oo soo qaban qaabiyay kulanka ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay shirarka u socda ay heshiis ku gaaraan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe