Tuesday, April 21, 2026
HomeWararDibaddaisbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la ciirciiraya bukaanno u badan carruur nafaqo dari...

isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la ciirciiraya bukaanno u badan carruur nafaqo dari ay soo ridatay.

Sariirta geeskeeda ayay fadhisaa. Waa Wiilo Macallin Nuuro oo kor u qaad-qaadaysa gabadheeda Nafiso, oo ah labo jir la il daran nafaqo darri aad u daran. Halkaas waxay u timid bal si loo badbaadiyo cunugta yar ee nolol iyo geeri u dhexeysa.

Kaligeed se ma ahan. Qeybta daryeelka degdega ah (ICU) ee isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la ciirciiraya bukaanno u badan carruur nafaqo dari ay soo ridatay iyo xitaa hooyooyin aan waxba dhaamin – oo adkeysiga qof weyn uun isku celinaya!

Oohinta iyo qaylo-dhaantu gudaha isbitaalka gudihiisa ka baxaysa waxay buuxisay hawada kulul ee haddana qoyan.

Halkan ma ahan meel waalid uu jeclaan lahaa inuu sii joogo, haddana waa rajada kaliya ee ay heli karaan. Gaajada, waxaa dheer dan yari iyo dhibaato adduun.

Nafiso yariisey waxay la il daran tahay #kwashiorkor, oo ah nooc ka mid ah nafaqo-xumo ba’an oo ah marka borotiinka ku jira jirka bani’aadamka uu dhammaado.

Waxa kaliya ee ay hooyadeed ay sameyn karto waa in ay u duceyso in cunugteeda yar ALLE u badbaadiyo!. Xaalkaas ayayna ku sugan yihiin SOOMAALI badan maanta.

“Waxaan maqalnaa sheekooyin ku saabsan carruur soo gaaray isbitaalka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshooda, iyadoo aysan jirin wax laga qaban karo. Qaarkood jidka ayey ku soo dhimanayaan,” ayuu yiri Cali Abshir Mursal, oo ah nafaqeeyaha ICRC oo ka shaqeeya isbitaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe