Wednesday, January 15, 2025
HomeWararIsbaheysiga Sacuudiga oo qabsaday Garoonkii Magaalada Xudeyda.

Isbaheysiga Sacuudiga oo qabsaday Garoonkii Magaalada Xudeyda.

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dalka Yemen ee ay taageeraan isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qabsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hudaida.

Magaalada Xudeyda ayaa ah Magaalo muhiim ah oo ku taalla maringa ugu Muhiimsan dalka Yemen, waxaana ku taalla dekedda ugu weyn Yemen.

Garoonka diyaaradaha ee Xudeyda ayaa dhaca koonfurta magaaladaasi,waxaana socda howlgal miino saaris ah,inkastoo dagaal xoog leh uu weli ka taagan yahay dhanka koonfureed.

Kooxda Kuutiyiinta oo muddo 4-sano ah  maamulayey magaalada Xudeyda illaa hadda kama hadlin in laga qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe