Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhintay kadib markii uu dab qabsaday mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka ee ruushka ka hor inta aysan si deg deg ah u caga dhigan madaarka busiest ee magaalada Moscow.
Warbaahinta Ruushka ayaa tabisay in dab xoogan uu ka kacay qeybaha dhexe ee Diyaarada.
Afhayeenka waaxda baaritaanka shilalka Svetlana Petrenko ayaa xaqiijisay geerida 13 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Caruur.
Muuqaalo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya dab xoogan oo ka holcaya diyaarada iyo shaqaalaha dab damiska oo ku howlan in ay la Dagaalamaan.
Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysa Shilkaan.