In ka badan 37,038 arday oo u fariisatay Imtixaanka Dugsiga Sare 22 June 2024 ayaa la filayaa in maanta oo Jimco ah 28 June 2024 la soo gaba gabeeyo Imtixaanka sida ku cad jadwalka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ardaydan ayaa Imtixaanka u fadhiistay Magaalada Muqdisho, Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo SSC Khaatumo oo markii ugu horeysay muddo 33 sano ah soo bandhigay ardaydii u fariisatay Imtixaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa daah furay Furitaanka Imtixaanka, waxaana la qorsheynayaa in Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagaan mid ka mid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Imtixaanka Shahaadiga ah. imtixaanada.

