Saturday, June 20, 2026
HomeWararGudahaImtixaanka fasalka 12aad oo maanta si rasmi ah u daahfurmay

Imtixaanka fasalka 12aad oo maanta si rasmi ah u daahfurmay

Waxaa maanta si rasmi ah u daahfurmay Imtixaanka fasalka 12aad (Dugsiga Sare) oo sanad weliba bartamihiisa ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxa ay howlgelisay Macallimiin, Howlwadeenno iyo Ciidamo katirsan kuwa Hay’adaha ammaanka oo si gaar ah loogu soo xulay in ay ilaaliyaan Dugsiyada, Jaamacadaha iyo goobaha kale ee Imtixaanka lagu qaadayo.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ahna Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanka Qaranka, Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa Ardayda ugu baaqay in ay ilaaliyaan waqtiga sidoo kalena ka fogaadan wax weliba oo sababi kara in Ardaygu uu ku waayo natiijadiisa.

Waxa uu faray Ardaydu in ay xushmeeyaan Macallimiinta, Kormeerayaasha, Askarta amnigooda sugeysa iyo cid weliba oo ku lug leh Imtixaankaas, waxaana uu u soo jeediyay in Arday weliba uu muujiyo kalsoonida aqoontiisa.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa alle ugu baryay in uu Ardayda u sahlo Imtixaanka maanta u billowday ee Wasaaraddiisu ka qaadayso.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe