Monday, July 13, 2026
HomeWararDibaddaICRC oo sheegtay inay aastay 42 askari oo looga tagay goobihii lagu...

ICRC oo sheegtay inay aastay 42 askari oo looga tagay goobihii lagu dagaalamay ee Laascaanood

Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in ay aastay 42 mayd ah oo lagasoo saaray jiida hore ee dagaalka Sool. Hay’adda ICRC waxay sidoo kale booqatay in ka badan 300 oo maxbuus oo kamid ah ciidamadii Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood.

War-saxaafadeedka ICRCda ayaa lagu xusay in toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalada, halka 42 meyd ah lagasoo soo aruuriyey goobihii lagu dagaalamay si loogu sameeyo aas.

“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Taas macneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo,” ayay tiri hay’adda caalamiga ah ee ICRC.

Dagaalada gobolka ayaa socday tan iyo bilowgii sanadkan, waxaana colaaddu ay sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, burbur hantiyeed oo baahsan iyo boqolaal kun oo qof oo ka barakacay guryahoodii.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe