Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaHowlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaanada kala ah Cali yabal, Qalan qal iyo Sumadaale oo dhamaantood hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay si gaar ah uga fuliyeen dhulka howd ah ee ku yaala deegaanadaas oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgaladaas lagu dilay 23 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee halkaasi isku aruursanaayay, waxaana sidoo kale saraakiisha ay sheegeen in dhaawaca kooxda uu kor u dhaafayo 20 meeyo.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay ayaa saraakiishu sheegtay iney haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa mudo badan kula dagaalamaya kooxda Al-shabaab deegaanada ay laga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe