Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaHowlgal lagu dilay 7 horjooge iyo maleeshiyaad kale oo ka dhacay Shabeellaha...

Howlgal lagu dilay 7 horjooge iyo maleeshiyaad kale oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamka oo ka dhacay tuulada Ugunji oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu beegsaday Maxkamad kooxda Al-shabaab ay ku lahayeen tuulada Ugunji, halkaas oo lagu dilay 7 ka mid ah horjoogayaashii Shabaab ee tuulada iyo maleeshiyaad kale oo aan tiradooda la shaacin.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in horjoogayaasha howlgalka lagu dilay ay ka mid yihiin horjooge lagu magacaabo Usaame oo ahaa horjoogihii kooxda ee deegaanka Ugunji iyo horjooge ku xigeenkii deegaanka oo magaciisa lagu sheegay Yaxye.

“Dhagar-qabayaasha kale ee Khawaarijta ah ee la dilay ayaa waxaa kamid ahaa Cadnaan oo u qaabilsanaa diiwaan gelinta shaqsiyaadka shacabka ah ee laga rabo lacagaha baadda ah iyo Horjooge Yaxye oo ahaa Horjooge ku xigeenkii maleeshiyaadka jooga deegaanka Ugunji” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda deegaanada ay kooxda kaga sugan yihiin gobolada dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe