Howlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-la helay ayaa lagu beegsaday Olol Cali Guuleed oo ahaa Madaxii Amniyaadka As ee Galmudug. Sidoo kale, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre, oo ahaa labo xubnood oo aad loo baadi goobayay, ayaa lagu dilay weerarka.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkan uu ahaa mid si xirfadeysan loo qorsheeyay, islamarkaana dhabarka looga jabiyay dhammaan Shabaabka ku dhuumaaleysanaya deegaannada Galmudug.
Saddexda horjooge ee Asayay dowladdu sheegtay inay ka dambeeyeen falal dambiyeedyo dhowr ah oo ka dhacay gobolka, oo ay ku jiraan weeraro lagu dilay dad rayid ah iyo ciidamada ammaanka.


