Home Warar Howlgal ka bilaawday Xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo

Howlgal ka bilaawday Xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo

58

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka bilaabeen maanta Magaalada gaalakcyo ee Xarunta gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka oo inta badan ay Ciidamada ka sameynayeen wadooyinka ayaa waxaa ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka isticmaala wadooyinka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Ciidamada ay Muraayadaha Madow ee loo yaqaano ( Bensalka) ay ka fiiqayaan gaadiidka yar yar ee isticmaala wadooyinka Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo uga baaqayay inay gawaaridooda ka daayaan Muraayadaha Madow ee Bensalka.

Muddo hadda laga joogo laba bilood ayaa waxaa Muraayadaha Madow laga fiiqay dhamaan Gawaarida Magaalada Gaalkacyo, kaddib amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Mudug oo kaashanaya laamaha Amniga Gobolka.

Saraakiisha laamaha Amniga & Maamulka Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr jeer waxaa ay amaro kasoo saareen Gawaarida lagu dhejiyo muraayadaha Madow, sidoo kale ay amar ku bixiyeen in la fuliyo howlgallo Gawaarida looga fiiqayo muraayadaha Madow ee Bensalka.