Horjooge lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow oo watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu ka soo baxsaday weerarro ay ciidamada dowladda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ee deegaanka Ugunji.
Ninkan isku soo dhiibay ciidamada ayaa sheegay inuu muddo ka dagaallamayay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan gurmad ahaan loo geeyay deegaanka Ugunji.
Wuxuu tilmaamay in weerarrada joogtada ah ee Ciidamada Qaranka ay ku qaadayeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab ay ku abuureen cabsi iyo xaalad adag, taasoo ugu dambeyn ku qasabtay inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda.
Sidoo kale, horjoogahan ayaa sheegay in nolosha iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda ay sii adkaanayeen, gaar ahaan kadib howlgallada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha ammaanku ay sheegeen in xubno badan oo kooxda ka tirsanaa ay isu soo dhiibayaan ciidamada.

