Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaHooyo umul ah oo xalay ku hoyatay xabsi ku yaalla Muqdisho.

Hooyo umul ah oo xalay ku hoyatay xabsi ku yaalla Muqdisho.

Xaawo Geeldoox oo ah Hooyo Umul ah iyo Salmo Abuukar Xasan ayaa xalay ku baryay xabsiga degmada Xamar weyne ee gobalka Banaadir, iyagoo wajahaya xanuun daran kadib jirdil xoogleh oo ay shalay kala kulmeen Booliska Soomaaliya.

Ilo ku dhow hay’adaha amniga ayaa ii sheegay in sababta loo ciqaabayo qoyskaan aysan aheyn oo kaliya dhulka ay daganyihiin balse lagu heesto sababta ay u hadleen una eedeeyeen qoyska Madaxweynaha.

Cod la duubay shalay intii uu socday howlgalka ayaa soo bandhigay Aflagaado, jirdil iyo qasab in lagu xiray qoyskaan, iyadoo la diiday in damaanad lagu sii daayo si ay u nuujiso saqiirka maalmaha dhalan iyo in dhaqtar la geeyo gabadha wajiga looga dhuftay qori caaradiis oo ilaa shalay xanuunsan.

Haddii ay Booliska Soomaaliyeed jirdileen haweenkii, hantidii Muwaadinkana la baabi’iyay maxay tahay waxa laga sugayo Boolisku?

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe