Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaHooyo iyo caruur ay dhashay oo ku dhintay Dab ka kacay Guri...

Hooyo iyo caruur ay dhashay oo ku dhintay Dab ka kacay Guri ku yaal Hargeysa.

Haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.

Saraakiil u hadlay ciidanka dab demiska Hargeysa ayaa sheegay inay ka gurmad u sameeyeen qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruur kale, kuwaasi oo laga badbaadiyay guriga uu dabka qabsaday.

Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydadka, iyagoona tilmaamay inay baaritaanka kiiskana ay gacanta ku hayaan ciidanka Dambi-baadhista Maamulka Somaliland.

“Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka, ayna demiyaan layrka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon. – ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saareen Taliska dab demiska magaalada Hargeysa.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe