Wednesday, April 29, 2026
HomeWararHoggaamiyihii mucaaradka Ruushka ee la sumeeyay oo la xiray

Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka ee la sumeeyay oo la xiray

Alexei Navalny oo ah nin si wayn u dhaliila aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa la sheegay in la xiray ka dib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow, 5 bilood uun ka dib markii uu ka badbaaday sumeyn loo adeegsaday sunta waxyeeleysa neerfooyiinka.
Mr Navalny, oo 44 jir ah, ayaa la arkayay isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baaro baasaboorada ee garoonka.

Dad badan ayaa horey waxay isugu soo baxeen garoonka Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa waxaa loo wareejiyay garoon kale.
Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa waxay sheegeen in isku daygii dil ee uu ka badbaaday Alexei Navalny ay ka dambeysay xukuumadda Ruushka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe