Waxaaa maanta lagu wadaa in magaalada Jigjiga ay gaaraan wefdi uu hor kacayo guddoomiyaha ururka ONLF kuwaas oo maalintii shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Calanka ururka ONLF iyo kan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa saaka lagu xardhay wadooyinka magaalada Jigjiga iyadoona la filayo in wefdga ay saacadaha soo socda gaaraan Jigjiga.
Markii ay gaaraan magaalada Jigjiga waxaa la filayaa in ay meel fagaare ah kula hadlaan boqolaal shacab ah iyo taageerayaal ka tirsan ururka ONLF.
Dowlada Ethiopia ayaa horey heshiis u la gaartay ururka ONLF oo mudo ka badan 20-sano ka u dagaalamayay madax banaani ay qaataan dadka degan dowlad deegaanka Soomaalida.