Hogaamiyaha TPLF ayaa Sheegay in dagaal culus looga soo qaaday maanta xaduudaha Badame iyo Humera Waxaan labadan deegaanba Ay Dhacaan xaduudaha Suudaan iyo Eritrea uu la wadaago gobalka Tigree-ga.
Madaxweynaha Ismaamulka Tigree-ga ayaa sheegay in uu dagaalka uu soo galay Madaxweynaha Eritrea oo Kumanaan Askari saaka kusoo bilaabay dagaalka Badame, taas oo aan wali xaqiiqo dhaafsan sheegashada TPLF Looheynin.
Saacado kahor Tigree-gu waxay sheegeen in ay haystaan deegaanka Humera, kahorna Itoobiya ayaa baahisay sawiro muujinaya garoonka diyaaradaha oo la qabsaday, sheegida TPLF ee hadda ee ah in dagaal ka socdo ayaa lays weydiinayaa.