Friday, February 14, 2025
HomeWararHogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, Oo Booqanaya Dalka Ruushka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, Oo Booqanaya Dalka Ruushka.

Sida ay baahisay Wakaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi, hogggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un ayaa oggolaaday inuu Moscow booqdo si uu shirka laba geesoodka ah uu uga qayb galo,kaasi oo u dhexeeya Ruushaka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sargei Lavrov uu booqasho ku tagay Kuuriyada waqooyi, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya  Kim ayaa caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan sida ay uga go’an tahay baabbi’inta hubka niyuukilarka iney waxba iska beddeleyn.

Mr Kim oo sheegay iney arrintani ay u dhici doonto “tallaabbo tallaabbo” furana ay u tahay wadahadalka dalkiisu uu la yeelan doona Mareykanka oo doonayo inuu waddankiisu hubka baabi’iyo iyada oo ay jirin wax cunaqabateyn ah oo laga dabciyey dalkiisa.

Mike Pompeo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay iney horumar wanagsan laga sameeyey wadahadalkikhamiisti magaalada New York uu kula yeeshay xubinka uu aadka ugu kalsoon yahy Mr Kim.

Mr Pompeo wuxuu ka gaabsaday inuu wax ka yiraahdo shirka ay yeelan doonaan Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim iyo Madaxweynaha Mareykanka Trump xilliga uu dhacayo.

Generaal Kim Yon-chol oo ah xubin uu si weyn ugu kalsoon yahay madaxweyne Kim oo haatan ku sugan Mareykanka ayaa waxa la filayaa Dhambaal uu ka sido Kim Jong-un inuu gaarsiiyo Madxweyne Trump Maalinta Jimcaha.

Dhawaan waxaa la qorsheynayaa in uu dhoco kulan ay yeelanayaan hogaamiyaasha wadmada Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya, inkastoo weli uu  jiro shaki iyo mugdi arrimahaasi la gelinayo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe