Hogaamiyaasha Ahlu Sunna oo ku shirsan Xero Inji
Madaxda maamulka Ahlu Sunna oo haatan shir uga socdo xerada Inji ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka arinsanaya xaaladaha iyo culeysyada saacadihii u dambeeyay soo food saaray
Warar hoose oo soo gaaray Cadaado Media Group ayaa sheegaya in qaarkamid ah madaxda Ahlu Sunna ay soo jeediyeen inay tanaasulaan islamarkaana shaaciyaan in dhismaha Galmudug ay uga dambeyn doonaan dowlada
Xubno kale oo katirsan Ahlu Sunna ayaa ka hor yimid aragtida ah inay tanaasulan waxayna ku taliyeen in gabi ahaan isaga baxaan magaalada Dhuusamareeb
Hogaanka Ahlu Sunna ayay suurogal tahay inay isku raacan in ay tanaasulaan islamarkaana dowlada uga haraan dhismaha Galmudug maadaama ay wiiqantay awoodoodii sidoo kalena garabkooda ay ka baxeen xubno muhiim u ahaa
Wixii kusoo kordha kala soco Cadaado Media Group