Home Warar Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigtay Rag abaabulayay falal amni darro

Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigtay Rag abaabulayay falal amni darro

55

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Xukuumada DG Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle u heshiisiinta iyo Amniga.
Wasaarada Amniga ayaa ka warbixisay Howlgalo Hay’addaha Amaanka ay ka sameeyeen Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Wasaarada ayaa sheegtay in howlgaladii laga sameeyay Caasimada Jowhar lagu soo qabqabtay Rag abaabulayay falal lidi ku ah amaanka Magaalada.
Wasaarada Dib u Heshiisiinta iyo Dib u Dejinta ayaa Madaxweynaha iyo Golaha wadaagtay macluumaad ay ka sameeysay Degmooyinka ay ka jiraan khilaadyada ee u baahan in laga sameeyo Dib u Heshiisiinta, Sidoo kale Wasaarada ayaa sheegtay inay tababar u sameeysay in kabadan 50 qof oo laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan oo lagu baray wacyigalinta bulshada iyo xalinta khilaafaadka.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha isagoo kula dardaarmay inay sii laba laabaan howlaha shaqo ee horyaala