Tuesday, November 5, 2024
HomeWararGalgaduud: Heshiis nabadeed oo la dhax dhigay labeelo walaala ah.

Galgaduud: Heshiis nabadeed oo la dhax dhigay labeelo walaala ah.

Maamulada degmooyinka Cadaado, Cabudwaaq iyo Dhabad oo heshiis dhex dhigay beelo walaalo ah oo xiisadoodu ka taageneeno ah daris ka yihiin.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo ay wehliyaan, gudoomiyaha degmada Dhabad Aaden Gabi, Xoghayaha degmada Cabduwaaq, taliyaha Booliska qaybta Galgaduud, taliyaha Boliiska degmada Cadaado iyo wax garadka labada dhinac ayaa heshiis dhex dhigay dad reer guuraa ah oo ka soo kala jeeda beelaha Saleemaan iyo Mariixaan, kuwaas oo xiisad colaadeed oo u dhaxaysaa ay ka jirtay deegaanada Labagalle iyo Ballisonkor.

Mas’uuliyiinta ayaa ku guulaystay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii is horfadhiyey, la iskuna celiyo xoolo colaadda lagu kala qaatay.

Sidoo kale waxaa lagu balamay in deegaanadaas beeluhu dariska ka yihiin lagu wada joogo nabad, odayaasha labada dhinacna ay dib ugu laabtaan gogoshii nabadeed ee Dhuusamareeb, si heshiis buuxa loo gaaro.

Maamulka degmada Cadaado oo xalay ka war helay in deegaanada ay labada beelood oodwadaagga ka yihiin la keenay Tiknoko ayaa garwadeen ka ahaa kulankan nabadeed oo ay maanta ka soo baxday natiijo wanaagsan oo nabadeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe