Friday, April 25, 2025
HomeWararHay'adda Socdaalka Soomaaliya Oo Sheegtay In La Xalliyey Caqabadihii Hakadka Galiyey Bixinta...

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya Oo Sheegtay In La Xalliyey Caqabadihii Hakadka Galiyey Bixinta Baasaborka Soomaliga

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan(Koofi) ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayay hababka loo bixiyo baasaboorka oo muddo kooban hakad galay.

Agaasime Kaafi ayaa sidoo kale sheegay in xarun cusub loo dhisaye haya’adda maalmihii ay dhisayeen ee la dheerataay taas oo uu sheegay in ay sababtay hakadka galay bixinta baasaboorka Soomaaliyeed oo si joogta ah loo qaato maalinkii.

Waxaa uu hadalkiisa raaciyey in uu arkay dad badan oo cabasho u soo gudbinaya laanta socdaalka waxaana uu sheegay in aysan jirin cilid ah sameynta baasaboorka lakiin kaliyaha dayactir uu socday, hadase dib loo bilaabay bixinta baasaboorada.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagneed cabasho Shacabka Magalada ka qabeen in uu istaagay bixinta baasaboorka Soomaaliga lana arkaye dad badan oo saf u galay qaadashadiisa.

Dadka qaar ayaa sheegay in maalmo lagu ballaminayay in ay doontaan baasasoorka, balse marka ay xarunta tagaan dib u laabanayeen, iyaga oo lagu wargelinayay in aan howsha bixinta Baasaboorka socon, dibne usoo laabtaan waqti kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe