Friday, July 18, 2025
HomeWararDibaddaHay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 3 xubnood oo ka tirsan AS,...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 3 xubnood oo ka tirsan AS, kadib howlgalo qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa waxay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan saddex nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo la sheegay inay falal amni darro ah ka wadeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya. Talaabadan ayaa timid kadib howlgalo adag oo qorsheysan oo ka dhacay caasimada.

NISA ayaa soo bandhigtay sawirada shaqsiyaadka la soo qabtay, taasi oo muujineysa in xubnahan ay qeyb ka ahaayeen shabakad in muddo ah ka howlgaleysay magaalada Muqdisho. Hay’adda ayaa soo bandhigtay labo Mooto Bajaaj iyo Mooto Fekon oo ay kooxdaasi u adeegsan jireen falal amni darro.

Xariga saddexdan xubnood ayaa muujinaya sida ay Hay’addu uga go’an tahay sugidda nabadda iyo sugidda amniga shacabka, iyadoo howlgalkan uu ka mid yahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo ammaanka Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyey howlgallada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, si ay u ilaaliyaan xasiloonida caasimadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

379 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe