Hay’adaha Amniga DFS oo howlgallo baaris ah ka billaabay Degmooyinka Waaberi, Xamarjajab, Hodan & Howlwadaag.
MW JFS “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii ambaqaaddo wadahadal, dib u heshiisiin & dhammaystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka”
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka Socdaalka & jinsiyadda Soomaaliyeed.
Booliiska Kenya oo xiray Nin ku eedeysan in uu Mardheera ku dilay Ganacsade.
Mareykanka oo sheegay in ay kordheen muwaadiniinta Ruushka ee kasoo gudbaya xadka uu la wadaago Mexico.
Hay’adaha Amniga DFS oo howlgallo baaris ah ka billaabay Degmooyinka Waaberi, Xamarjajab, Hodan & Howlwadaag.
Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda DFS ayaa howlgallo baaris ah ka billaabay Afar Degmo oo katirsan Gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Waaberi, Xamarjajab, Hodan & Waaberi waxaana loogu magac daray “Qo iyo Guri”.
Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa Askarta kula dardaarantay in ay si feejigan u sameeyaan baarista isla markaana ay ka fogaadaan wax weliba oo dhibaato u keeni kara shacabka ay guryahooda baarayaan.
Qaar kamid ah Dadka lagu soo qabtay howlgalka oo la geeyay Saldhigga Booliiska Degmada Waaberi ayay Hay’adaha Amnigu sheegeen in baaris dheeraad ah lagu sameynayo maadaama tuhun laga muujiyay kaddib baaris hordhac ah oo lagu sameeyay.
Guddoomiyaha Degmada Waaber, Maxamed Sheekh Sayid Cali ayaa sheegay in howlgallada ka socda qaybta ‘Waliyow Cadde’ ay sii soconayaan illaa inta laga xaqiijinayo howlgalka lagu sugayo amniga waa sida uu hadalka u dhigay.
“Howlgallada reer Waliyow Cadde waxa aan kusoo saareynaa Garawaaga ku dhex jira, waxaa la rabaa dadka aan waaberi ku dhalan ee ku dhex dhuumaya in lasoo qabto ayaan rabnaa, dhalinyaroy la shaqeeya Ciidamada ammaanka, arrintaan waxa ay u baahan tahay dedaal dheeri ah iyo in la iska iskaashado, maalinba waax ayaa la tegi doonnaa, dhalinyaroy waad is wada taqaaniin ee ka shaqeeya dadka idin ku dhex dhuumanaya” Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Maxamed Sheekh Sayid Cali.
Howlgallada ka socda Gobolka Banaadir ayaa afar afar degmo la isugu xiray si maamullada degmooyinkaas, saraakiisha Booliiska iyo Nabadsugidda ay wadajir isu kaashadaan si looga mira-dhaliyo ujeedka laga leeyahay.
MW JFS “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii ambaqaaddo wadahadal, dib u heshiisiin & dhammaystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka”