Wararka Saaka Ka Imaanaya Magaalada Gaallkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa Sheegaya In Ciidamada Ammaanka Puntland Ay Hawl-gallo Ballaaran Ka Wadaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Ayaa Guri Guri U Baaraya Dhammaan Xaafadaha Dhaca Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.
Ciidamada Hawl-galka Saaka Ka Wada Gaalkacyo Ayaa Isugu Jira Ciidamada Booliska Iyo Kuwa Difaaca Puntland Oo Iyagu Shalay Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo.
Hawl-galkan Oo Loogu Magac Daray Caaisha Maxay Galabsatay Ayaa Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Puntland Sheegeen In Lagu Baadi Goobayo Raggii Kufsiga Iyo Dilka U Geystay Caisha Ilyas Aden