Koox haween ah oo ka shaqeyn jiray Bariga Dhexe iyo Soomaaliya ayaa codsi u diray Wasiirka Shaqada, Jinsiga iyo Horumarinta Bulshada dalka Uganda sababo la xiriira xayiraadaha ay dowladda ku soo rogtay dhoofinta shaqaalaha ee Bariga Dhexe.
Bishii Maarso ee la soo dhaafay, dowladda Uganda waxay joojisay bannaanka shaqada ee waddammada sida Imaaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya, Qatar, Jordan, Soomaaliya, Kuwait, Baxrayn, Afgaanistaan, iyo Ciraaq sababo la xariira cudurka Karoonaha Virus.
Haweenka dibadbaxa dhigayay, oo si nabad ah u hortagay xafiisyada wasaaradaha ee magaalada kampala ayaa dowlada ka codsaday in xayiraada laga qaado si ay ula dagaallamaan shaqo la’aanta iyo in sidoo kale laga caawiyo sidii ay nolol maalmeedkooda u dabooli lahaayeen ugana taageeri lahaayeen qoysaskooda iyo kuwa ku tiirsan.
Haweenka ayaa shaqo u aadi jiray dalalka Bariga dhexe iyo Soomaaliya oo qaarkood ay ka shaqeyn jiray Hoteellada iyo xarumaha Ciidanka AMISOM.
” 90% gabdhaha dhallinta yar ee u shaqo taga inta badan dalka Sucuudi Carabiya waa hooyooyinka keligood ah oo aan waxbaran doonin waxbarashadooda isla markaana ilaalin doona xannibaadda inkasta oo la furay garoomo diyaaradeed, taas oo ka dhigaysa malaayiin dhalinyaro ah iyo kuwa ay ku tiirsan yihiin kuwo nugul oo aan lahayn baahiyo aasaasi ah , “Mudaaharaadayaashu waxay ku yiraahdeen codsiga loo gudbiyay Xoghayaha Joogtada ah, Aggrey David Kibenge.
Dowladda Uganda ayaa markii uu bilowday Cudurka Karoonaha joojisay in loo shaqo tagga Bariga iyo dalalka Afrika qaarkood sababo la xariira cudurkaas saameyn tiisa , iyadoona Uganda ka mid ah dalalka ka guuleystay Karoonaha.