Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la siidaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo horay Maxkamad ku taalla Magaalada hargeysa ay Saddex sanno oo xabsi ah ku xukuntay.
Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in 60 maalmood ka dib Maanta xabsiga laga siidaayay Boqor Buurmadow.
Maamulka Somaliland waxa ay horay ugu eedeyeen Boqorka in uu kasoo horjeedo Madaxbaanida Somaliland, taasi oo uu beeniyay balse xukun lagu riday.
Boqor Buurmadow ayaa kaga qayb-galay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.
https://holistickenko.com/spicy-thai-coconut-soup-paleo/