Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sii daayay Naciima Abwaan Qorane.
Ilo lagu kalsoon karo ayaa waxa ay xaqiijiyeen maxkamadda gobolka Hargeysa oo dhawaan saddex sanno oo Xabsi ah ku xukuntay Naciimo in xabsiga Gabiley laga sii daayay ka dib cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Aabbaha dhalay Naciima ayaa sheegay in uu  isaga la kulmay Madaxweynaha Somaliland islamarkaana uu u ballan qaaday in Gabadha xasbiga laga siideynayo.
Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.
Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado.