Sunday, February 9, 2025
HomeWararHanti- dhowraha Qaranka oo sheegay inay bilaabayaan baaris la xiriirta musuq maasuq

Hanti- dhowraha Qaranka oo sheegay inay bilaabayaan baaris la xiriirta musuq maasuq

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka uu ballaarinayo howlaha lagu baarayo xafiisyada dowladda & dowlad goboledyada.

Waxaa uu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka & kuwa dowlad goboleedyada ay qaadanayaan Shaqaale oo tababarayo baaris maaliyeed oo la xiriira dhinaca musuq maasuqa.

Waxaa uu sheegay inay waajib tahay in sanad walba la helo natiijo baarised lagu kalsoonaan karo oo lagu xisaabiyo nidaamka maaliyadda Qaranka.

Ugu dambeyn Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa sheegay in xoojinayo kor u qaadida isla xisaabtanka dhanka Maaliyadda dalka si loo gaaro nidaam maamul oo dowlad wanaag ku dhisan.

Hadalkaan ayaa Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye waxaa uu ka sheegay Shir sanadeedka Hanti-dhowrka Qaranka iyo kan Dowlad goboleedyada oo magaalada Muqdisho ka furmay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe