Sunday, July 19, 2026
HomeWararGudahaHalkee Buu marayaa Ceel shidaalka ee Turkigu ka qodayo Soomaaliya?

Halkee Buu marayaa Ceel shidaalka ee Turkigu ka qodayo Soomaaliya?

Soomaaliya iyo shirkadda shidaalka ee dowladda Turkiga, Turkish Petroleum (TPAO), ayaa sii wada qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, kaas oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in natiijooyinka ugu horreeya ee sahminta la filayo dhammaadka sanadka 2026.

Curad-1 ayaa ku yaalla qiyaastii 372 kiiloomitir waqooyi-bari magaalada Muqdisho, waana ceelkii ugu horreeyay ee shidaal oo si rasmi ah looga qodo badda Soomaaliya.

Mashruuca ayaa billowday kaddib markii saddex goobood oo badda Soomaaliya ah lagu sameeyay sahanno seismic ah oo 3D ah, kuwaas oo horseeday in la bilaabo qodista ceelka. Curad-1 ayaa la qorsheeyay inuu gaaro qoto-dheer ku dhow 7,500 mitir, waxaana qodistiisu qaadan kartaa ilaa 288 maalmood.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in qodistu ay socoto, isla markaana xogihii hore ee sahminta la falanqeeyay, iyadoo hadda diiradda la saarayo tijaabinta ceelka ugu horreeya ee shidaalka badda Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa howlgalka ku tilmaamay qodistii ugu horreysay ee Turkigu ka sameeyo meel ka baxsan dalkiisa, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo qayb ka ah ballaarinta sahminta tamarta ee Ankara.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa mashruucan u arka fursad weyn oo dhaqaalaha dalka wax ka beddeli karta, iyadoo haddii la helo shidaal ganacsi ahaan faa’iido leh ay kordhin karto dakhliga dowladda, soo jiidan karto maalgashi shisheeye, isla markaana xoojin karto isku-filnaanshaha dhaqaale ee Soomaaliya.

Dad badan ayaa qabo arigti ah in soomaaliya in xiliga laga qodo shidaal aan habooneen taas oo cabsi ay ka qabaan in uu keeno shidaalkas la qododaayo dagaal sokeeyo.

Si kastaba, weli lama shaacin natiijo rasmi ah oo xaqiijinaysa in ceelka laga helay kayd shidaal oo ganacsi ahaan la isticmaali karo. Qiimeynta ceelka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo marka qodistu dhammaato.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe