Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib isku dhac dhexmaray laba askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, xilli ay soo dhamaatay munaasibad uu ciidanku ugu diyaargaroobayay munaasibadda 18-ka May.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Sanaag ayaa sheegay in dhacdadu ay ka dhalatay shaqaaqo dhexmartay laba askari oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa goobta lagu qabanayay munaasibad loogu diyaar garoobayay dabaaldegga 18-ka May, oo ku beegan maalinta gooni isu taaga Somaliland.
Maamulka gobolka Sanaag ayaa sheegay in munaasibaddaasi ay si nabad ah ku dhammaatay, balse kadib ay shaqaaqo ka dhex dhacday laba askari oo ka tirsan ciidamada, taas oo sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca askar kale oo aan tiradooda la shaacin.
Sidoo kale maamulka ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalada Ceerigaabo ay ku suganyihiin goobihii iyo xeryihii ay ka hawlgali jireen, isla markaana xaaladda amniga magaalada si degdeg ah loo xakameeyay kadib markii ay dhacday shaqaaqadu.
“Amniga magaalada boqolkiiba boqol wuu suganyahay, xaalad amni darana kama jirto, ciidanna shaqadiisii iyo xeradiisii ayuu gacanta ku hayaa,” ayuu Guddoomiyaha gobolka Sanaag Sanaag, isagoo shacabka ugu baaqay inay isdejiyaan.
Maamulka gobolka Sanaag ma aanu shaacin sababta rasmiga ah ee keentay isku dhaca labada askari, mana jirto ilaa hadda war kasoo baxay taliska ciidamada Somaliland oo si faahfaahsan uga hadlay dhacdada ka dhacday magaalada Ceerigaabo.

