Sunday, July 12, 2026
HomeWararDibaddaHADAL-HAYN : Madaale miyuu shaqaallaha dhacayaa ?{KHRISO}

HADAL-HAYN : Madaale miyuu shaqaallaha dhacayaa ?{KHRISO}

Hadal si aad ah u dhibsadeen dadka badan oo ku nool magaaalada Muqdisho ayuu ka jeedayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho meel fagaara ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in bishan September 2023  mushaarka shaqaalaha dowladda hoose ay ugu deeqeen ciidanka Dowladda ee howlgalka kala soo horjeeda kooxda As.

Madaale ayaa si xamaasad leh  u sheegay in taas  qayb ka tahay sida uu yiri dhiirgalinta ciidanka ee halganka ku jira  kooxda As kaas oo  xoogiisa uu ka socdo Galmudug.

Dadka badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay , kuwaas oo sheegay in hadalkaas uu yahay mid Guddoomiyaha uu ku fududaay isla markaana  lagu  cuna- qabataynayo shaqaalaha Dowladda hoose.

Qaarkoodba ayaa sheegay in hadalka Guddoomiye Madaalle uu dhaawici karo , howlgalada socda dhinac kalena u jihayn karo sida hadda Dowladdu u wado , maadama shaqaalaha qaarkood mushaar ku filan aan qaadan.

Inta badan shaqaalaha gobolka Banadair ayaa qaata lacag aan ka badneyn 300-dollar, taa oo shaqaalaha qaarkood qoysas ka biishaan , sidoo kale ka bixiyaan kirada guryaha ay dega yihiin, waxaana laga yaabaa haddii ay hal bil waayaan xaalku ku adkaado.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana loogu baaqay in uu ka laabto goáanka uu shaqaalaha gobolka Mushaarkood ku deeqayo, waxaana loogu baaqay in ugu yaraan qeyb kamid ah mushaarka ku deeqo ama ku deeqo midka ay madaxda sare qaataan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe